Markii sannadka uu ahaa 1628 ayuu markabka Vasa gaddoomay oona kaddib quusay. Dhacdada waxay ka dhacay magaalada Stockholm waxayna ahayd maalintii ugu horeeysay uu safarkiisa ugu horeeyay geli lahaa. Kaddib markii 333 sano ay ka soo wareegatay, ayaa lagu guulaystay in markabkii dagaalka laga soo saaro halka badda ugu hooseeyso, kaddib socdaalkiisa uu sii wato. Maanta Markabka Vasa waa markabka adduunka ugu dhawrsan oo la dhisay 1600-meejadii. Waxaana lagu soo bandhiga matxaf gaar ahaan loogu dhisay oo ku yaallo magaaladda Stockholm. Markabka Vasa waa hanti-farshaxaneed oo wax lamid ah aysan jirin. Wuxuuna boqolkiiba 98 ka kooban yahay qaybihii biloowgii laga dhisay iyo boqolaalo farshaxan xardaysan.

Matxafka Vasamuseet waxaa kaloo laga hela bandhigyo kala duwan, kuwaasoo lagu soo bandhigayo taariikhda gaaban iyo tan dheer ee markabka Wasa. Waxaa matxafka ku yaallo dukaan wax kasta laga helo, iyo makhaayad laga cuni karo qado ama laga iibsan karo macmacaanka. Dhawr jeer maalin kasta waxaa la hela hagid booqashayaasha lagu hago af-ingriisi. Waxaa kaloo la hela hageyaal cod ku salaysan, kuwaasoo ku duuban luqado badan oo kala duwan. Filim ku saabsan markabka Vasa iyo filim caruureed ”The Vasa Piglet” ayaa maalin kasta la daawan karaa isagoo ku duuban luqado kala duwan. Waxaas oo idil isla tikitka matxafka lagu soo galay ayaa loo adeegsan karaa.

Ku soo-dhowaada daahfurka adduunka markabka Vasa!

Booqo Vasamuseet

Saacadaha uu matxafka Vasamuseet furan yahay waa:

Saacadaha makhaayadda matxafka Vasamuseet ay furan tahay

Qiimaha lagu galo

Booqashada kahor: Veľké tašky nie sú povolené

Väčšie tašky a tašky na kolieskach nie sú v múzeu povolené. Môžete si priniesť kabelky a malé ruksaky a po celú dobu návštevy ich nosiť v ruke, na chrbte alebo na bruchu. Batožinu nesmiete nechať bez dozoru.

La kaalay funaanad dheeraad ah. Maadaama markabka Vasa lagu kaydiyo jaw darajadiisa u dhaxayso 18-20°C darajo. Haddii jawga dibada u kulul yahay waxaa laga yaabo in qofku uu gudaha matxafka ku dhaxmoodo.

Masawir iyo filim ka qaadasho waa laysku oggol yahay, waa haddii gaar ayaan loo adeegsan doono.

Sidatan ayaa loo helaa goobta Matxafka Vasamuseet uu ku yaallo

Adreeska booqashada waa: Galärvarvsvägen 14, Stockholm.

Lug ama baaskiil

Qiyaastii 20 daqiiqo ayaa loo lugeeyaa musaafada u dhaxayso [Stockholm city] iyo matxafka. Isla musaafadaas waxay qiyaastii qaadataa 10 daqiiqo haddii qofku uu baaskiil wato.

Gaadiidka guud/dadwaynaha

Gaadiidka guud/dadwaynaha ee taga matxafka wuxuu ka kooban tahay tareen, bas iyo doon. Jadwalka saacadaha gadiidka waxaa laga helaa:

Baabuur

Boosaska baabuurrada laga dhigto ee jasiiradda [Djurgården] ma badna. Boosas ka fiican waxaa laga helaa buundada [Djurgårdsbron], waddooyinka [Strandvägen] iyo [Narvavägen]. Goob baabuurrada la dhigto oo loogu talagalay itaal- iyo dhaqdhaqaaqa-darrada waxaa laga helaa agagaarka albaabka wayn ee matxafka laga soo galo.

Ku saabsan matxafka Vasa

Maxay ahayd sababta markabka Vasa loo dhisay?

In la dhiso markabka waxaa dalbaday boqorkii Boqortoyada dalka Iswiidan oo la oran jiray Gustav II Adolf waxayna, dhismaha ka bilaawdeen magaalada Stockholm markii sannadka uu ahaa 1626, waxayna shaqaalaha ka koobnaayeen rag iyo dumar oo tiradooda gaaraysay 400. Markabku wuxuu ahaa markab aad uu xoog wayn oo leh saddex tiirar, kuwaasoo awoodi kari in ay qaadaan tobban shiraacyo, tiirka salka doonta ee alwaaxa ka sameeysnaa wuxuu cabbirkiisa kor ilaa hoos ahaa 52 meeter, dhirirkiisuna wuxuu ahaa 69 meeter, culayskiisuna wuxuu ahaa 1200 ton. Markabka Vasa wuxuu kamid noqon lahaa markab muhim uu ah ciidanka difaaca badda ee dalka Iswiidan, wuxuuna lahaa 64 madaafic.

Maskarjabkii

Markii taariikhda ay ahayd 10 agoosto 1628 wuxuu markabka Vasa, ka soo dhaqaaqay marsadii ku taallay hoosta qalcada/qasriga Tre Kronor. Duleelada madaaficda way furnaayeen, madaafiicduna waxay tuureen salaan. Kaddib tartartiib ayuu markabkii waynaa ugu soo dhaqaaqay dekadda. Dhawr jug duufaan wayn kaddib wuxuu markabkii uu weecday dhinac. Kaddib biyahii ayay waxay ka soo galeen duleeladii madaaficda ee furnaayeen waxaan ku xigtay in markabka Vasa uu quuso/dego. Ugu yaraan 30 qof oo kamid ahaa 150 qof oo markabka saarna ayaa ku geeriyooday. Markii 333 sano ay ka soo wareegatay dhacdadaas ayaa markabkii Vasa dib loo helay.

Maxay ahayd sababtii markabka Vasa u quustay/degay?

1600-meejadii weli lama haynin xisaabin tiyori ku salaysan oo xiriir la leh xasiloonida maraakiibta. Waxaa waagaas maraakiibta lagu dhisi jiray khibrado tan iyo berri hore la lahaa. Waxaana la doonaayay in la hirgeliyo teknoloojiyad cusub. Sidaas awgeed, ku saabsan markabka Vasa waxaa la doonaayay in la tijaabiyo madaafiic culus oo laba jibaar ah oo ku rakiban sagxadda dambe. Markabka Vasa wuxuu ka cuslaaday halka biyaha ugu sareeyay, taasoo u suurtagelin in uu dib isku toosiyo oo dhelitirnimada dib u helo jugta duufaannta kaddib.

Dib u helihidii 

Anders Franzén wuxuu tan iyo markii uu ilmo ahaa la riyaaqi jiray qanaxa ku jira jasiiradaha [Stockholms skärgård]. Isagoo adeegsanayo xog la qoray 1600-meejadii, ayuu Franzén xilligii kuleelaha 1954-1956 baadigoobay markabka Vasa, isagoo adeegsanayo qalabyo uu gaar ah, ayaa lagu tuuray halka badda ugu hoseeyso, taasoo laga tuuray doon motoor leh. Markii taariikhda ay ahayd 25 agoosto, ayaa isaga iyo quuste Per Edvin Fälting ka baadigoobeen bannaanka Beckholmen, qalabyadii waxay qabsadeen wax geed wayn ah. Sidaas ayaa markabka Vasa dib loogu helay!

”Halxiraalahaaqoonta ee adduunka ugu wayn”

Xilligii dayrta 1957 ayay hawlgallada cayminta bilaabadeen, iyadoo quuste biyo ku furay hogagga markabka hoostiisa, oo loogu talagalay waxyaalihii kor loogu qaadi lahaa. Markii taariikhda ay ahayd 24 abriil 1961 wuxuu markabka jebiyay dusha biyaha kaddib waxaa laga soo saaray tiro ka badan 14 000 oo ah qaybo alwaax. Markabka iyo qaybaha waxaa mid kasta loo kaydiyay goonidiisa. Kaddib waxaa qaybaha dib loogu celiyay markabka sida halxiraale aad u wayn.
Vasa wuxuu faafiya aqoon ku saabsan waaga casriga iyo cilmibaaris qaabka ugu fiican ee maraakiibta loo dhaqaaleeyo, laga bilaabo alwaaxa iyo musmaarradiisa, lafahiisa iyo marooyinkii ka haray, hawlahaas oo weli socdaan. Hadafka waxaa weeyaan in jiritaanka Vasa uu sii socdo boqolaalo sano kale.

Warbixin dheeraad oo ku saabsan taariikhda Vasa iyo cilmibaarista matxafka Vasamuseet iyo hawlgalladii kaydintiisa oo ku qoran af-ingriisi waxaa laga aqrisan karaa: